Sharciyada iyo xuquuqda

Dammaanad Daryeel

Vårdgaranti - somaliskaThe content concerns Västra Götaland

Waxaa jira xad inta aad sugi kartid si aad u hesho daryeel. Haddii aad wakhti dheer sugaysay ballan, waxaad xaq u leedahay in aad daryeel ka hesho xarun caafimaad kale. Waxaa loo yaqaan taa dammaanad qaad daryeel caafimaad.

Dammaanad qaadka daryeelka caafimaad waxa uu khuseeyaa oo keliya rugta caafimaadka aad dooratay in aad ka tirsanaatid. In la doorto rug caafimaad waxaa loo yaqaan in la isku qoro rug caafimaad.

Dammaanad qaadka daryeelku wuxuu sidoo kale khuseeyaa qaar ka mid ah xarumaha kale ee caafimaad oo aadan iska diiwaan gelin karin. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, qaabilaadda caafimaadka dhalinyarada, qaabilaadda umulisada ama rugta caafimaadka carruurta.

Sidaan buu u shaqeeyaa dammaanad qaadka daryeelka caafimaad

Kuwaani waa xuquuqahaaga sida ay qabto dammaanad qaadka daryeelka:

Xiriir lala yeesho rugta caafimaadka isla maalintaas

Waxaad xiriir la yeelaneysaa xarunta daryeelka ee aad ku qoran tahay isla maalinta aad daryeel caafimaad raadsato.

Tusaale ahaan, waxaad wici kartaa ama booqan kartaa rugta caafimaadka. Rugo caafimaad oo badan ayaa sidoo kale bixiya wicitaano muuqaal fiidiyow ah.

Qiimaynta baahidaada daryeel caafimaad saddex maalmood gudahood

Shaqaalaha rugta caafimaadka ayaa go'aaminaya in daryeel caafimaad  lagu siiyo iyo in kale. Waa inay ku dhacdaa taa saddex maalmood gudahood.

Go'aanka waxaa qaadan kara, tusaale ahaan, dhakhtar, kalkaaliso ama qofka jimicsiga bukaanka bartay.

Booqasho rug takhasuseed 90 maalmood gudahood

Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay daryeel rug takhasus leh. Qofka aad kula kulanto xarunta caafimaadka ayaa markaas diraya warqad sii gudbin. Warqadda sii gudbinta waxaa ku jira macluumaad ku saabsan dhibaatooyinkaaga ku haysta.

Waa inaad ballan ku heshaa 90 maalmood gudahood haddii rugta caafimaadka takhasuska ahi ay go'aansato inaad hesho daryeel caafimaad takhasus ay u leeyihiin. Tani waxay sidoo kale khusaysaa haddii aad adigu codsato, iyadoo uusan dhakhtar kusii gudbin.

Daaweyntu waxay bilaabanaysaa 90 maalmood gudahood

Waa inaad ku heshaa daawayn 90 maalmood gudahood. Dhakhtarka xarunta caafimaadka takhasuska leh ayaa kula go'aaminaya in lagu daaweynayo iyo in kale. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa qalliin.

Gobollada qaarkood waxay haystaan ​​waqtiyo ka gaaban gobolada kale oo ay ku helaan daryeel caafimaad.

 

Waa inaad heshaa macluumaad ku saabsan dammaanad qaadka daryeelka. Waa muhiim inaad fahanto sida doorashooyinkaagu saamayn ugu yeelanayaan muddada aad sugi doontid daryeelka caafimaad.

Västra Götaland

Dammaanad qaad daryeel caafimaad oo ballaadhan ayaa ka jira Gobolka Västra Götaland

Dadka qaangaarka ah ee qaba xaaladaha la xiriira habdhismeedka neerfaha iyo maskaxda (dhimirka)

  • Waa in lagugu soo bandhigaa wakhti baadhitaan 90 maalmood gudahooda laga bilaabo marka la gaaro go'aanka baadhitaanka.

Daryeelka caafimaadka dhimirka ee carruurta iyo dhalinyarada

  • Waa in ballan lagu la kulmayo laguu qabto 30 maalmood gudahood go'aanka sii gudbinta kadib.
  • Waa in ballan baadhis/daawayn qotodheer laguu qabto 30 maalmood gudahood laga bilaabo go'aanka baadhitaanka.
  • Baaritaanka ka dib, waa inaad daawayn ku heshaa 30 maalmood gudahood.

Shaki la xariira cudurka kansarka

  • Haddii aad looga shakisan yahay in ilmaha kansar hayo, waa in ballan looga qabto dhakhtar takhasus u leh waana in loogu soo bandhigaa 2 maalmood gudahood ka dib marka warqadda soo gudbintu soo gaarto qaabilaadda caafimaad.
  • Haddii kansarrada qaarkood looga shakiyo dadka qaangaarka ah, ballanta dhakhtarka takhasuska u leh waa in lagu soo bandhigaa 14 maalmood gudahood marka warqadda soo gudbintu soo gaarto qaabilaadda caafimaad.

Haddii aadan imaan

Haddii aadan imaan ballan laguu qabtay laba jeer, sii gudbintaada waxaa lagu soo celin doonaa dhakhtarkii soo qoray warqadda soo gudbinta.

Haddi aadan daryeel caafimaad ku helin dammaanad qaadka daryeelka caafimaad

Gobollada waxaa jira dad ka jawaabi kara su'aalaha ku saabsan dammaanad qaadka daryeelka caafimaad. Waxaa tusaale ahaan, loogu yeeri karaa hagayaasha daryeelka caafimaad. Haddii aad muddo dheer sugaysay daryeel caafimaad, hagayaasha daryeelka caafimaad ayaa kaa caawin kara inaad tagto xarun caafimaad kale. Waxaa laga yaabaa inay ku taal gobol kale.

Adigu ma dooran kartid xarun caafimaad haddii aad rabto inaad isticmaasho dammaanad qaadka daryeelka caafimaad.

Waad diidi kartaa daryeel caafimaad in lagugu siiyo xarun caafimaad kale. Markaa dammaanad qaadka daryeelku ma ku khuseeyo waxaana laga yaabaa inaad muddo dheer sugto daryeel caafimaad.

Haddii aad ka qoomamaysid in aad horay u diiday

La xidhiidh xarunta caafimaad ee lagugu soo bandhigay daryeelka haddii aad ka qoomamaysid inaad diiday.

Dammaanad qaadka daryeelka caafimaad waxaa laga xisaabinayaa taariikhda aad ku dhawaaqday inaad bedeshay go’aankaagi.

Haddii aad u raadsato daryeel caafimaad gobol kale

Hey'adda canshuuraha waxay diiwaan gelineysaa meesha aad ku nooshahay. Waxa loo yaqaan in qofku diiwaangashan yahay. Dammaanad qaadka daryeelku wuxuu khuseeyaa oo keliya meesha aad ka diiwaan gashan tahay. Lama hubo in aad daryeel ku heli doonto waqti go'an gudihiis haddii aad daryeel u raadsato gobol kale.

Waa baahida aad u qabto daryeel caafimaad waxa go'aaminaya dhaqsiyaha aad ku heli doontid daryeel caafimaad. Qofka ugu baahida badan ayaa ugu hor helaya daryeel caafimaad. Tani waxay khusaysaa meel kasta oo aad ka diiwaan gashan tahay.

Gobollada qaarkood waxay wada galaan heshiisyo u gaar taas oo keenaysa in dammaanad qaadka daryeelka caafimaadka sidoo kale ka shaqayn karo gobollada kale. Weydii shaqaalaha daryeelka caafimaadka si aad u ogaatid inay taasi gobolkaaga ka jirto.

Västra Götaland

Haddii aan lagu siin daryeel caafimaad inta lagu gudojiro muddada damaanad qaadka Gobolka Västra Götaland gudahiisa

2Haddii rugta caafimaadku ama isbitaalku aysan ku siin karin daryeel caafimaad muddada dammaanad qaadka, waxaad daryeel caafimaad ka heli doontaa daryeel-bixiye kale.

Bixinta daryeel caafimaad ee daryeel-bixiye kale macnaheedu waa:

  • Wax kharash dheeraad ah ma laha. Waxaad bixinaysaa kharashka bukaanka ee khuseeya gobolka aad ka hesho daryeelka caafimaad.
  • Ka ilaalinta kharashaadka sarreeya ee caafimaadka iyo kaadhka bilaashka ah ayaa shaqaynaya.
  • Gudida Lacagta safarrada xilliga jirada ayaa ku jira. Waa inaad bixisid lacag go'an.
  • Haddii aad diido daryeelka caafimaadka laguu fidiyay, waxaad ku jiraysaa safka daryeelka caafimaad ee gobolka aad ka tirsan tahay. Waqtiga sugitaanka wuxuu ka badnaan karaa wakhtiga xadidan ee dammaanad qaadka daryeelka caafimaad.
Västra Götaland

Macluumaadka xidhiidhka ee dammaanad qaadka daryeelka caafimaad ee Gobolka Västra Götaland

Ma qabtaa su'aalo ku saabsan dammaanad qaadka daryeelka caafimaadka? Ma is weydiineysaa haddii aad meel kale ka heli karto daryeel caafimaad degdeg ah?

La xidhiidh xarunta caaafimaad ee aad sugaysid inaad timaado

  • Gal bogga 1177.se si aad farriin u dirto. Adeeggu waxa uu ku baxaa af Iswiidhish. Si aad u hesho xarun caafimaad sax ah, dhagsii "Soo hel oo ku dar". Raadi xarunta caafimaad dhagna sii "ku dar xarunta caafimaad”.
  • Si toos ah u wac xarunta caafimaad muddada aad sugayso in aad timaado. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020-44 55 55, dooro badhanka lambar 1.
     

La xidhiidh adeegga damaanad qaadka daryeelka caafimaad ee VGR

Adeegga dammaanad qaadka daryeelka caafimaad ayaa ka jawaabaya su'aalaha ku saabsan dammaanad qaadka daryeelka caafimaad. Mararka qaarkood waxay kaa sii caawin karaan inaad hesho daryeel leh saf gaaban.

  • Gal  bogga 1177.se si aad fariin ugu dirto adeegga damaanadda daryeelka ee VGR. Adeeggu waaxa uu ku baxaa af Iswiidhish.
  • Ka wac adeegga damaanad qaadka daryeelka caafimaad taleefanka 020-44 55 55, dooro badhanka lambar 3.
To the top of the page